Caawinaad & Taageero
Waxaan diyaar u nahay inaan ku caawino 24/7
Nala soo xiriir si toos ah
Telegram
Kusoo biir channel-kayaga
support@casaawesports.com
Su'aalaha Badiya La Isweydiiyo (FAQ)
Halkan ka hel jawaabaha su'aalaha ugu muhiimsan ee macaamiisheena.
1. Sidee ku heli karaa UC-dayda markaan iibsado kadib?
Nidaamkayagu waa mid si toos ah u shaqeeya (Automated). Isla markaad dhamaystirto bixinta lacagta, UC-da ama Coins-ka waxay si degdeg ah ugu soo dhacayaan akoonkaaga ciyaarta daqiiqado gudahood.
2. Waa maxay Player ID maxaase loogu baahan yahay?
Player ID waa nambarka gaarka ah ee akoonkaaga ciyaarta (sida PUBG ama eFootball). Waxaan u baahanahay ID-gaas si aan u ogaano cida loo shubayo lacagta ciyaarta. Fadlan mar walba hubi in ID-gaagu sax yahay.
3. Ma isku halayn karaa nidaamkiina lacag bixinta?
Haa, boqolkiiba boqol. Casaawe Sports waxay isticmaashaa nidaam lacag-bixin oo aad u sugan, xogtaadana waa mid la ilaaliyo oo aan cid kale lala wadaagin. Waxaan ku leenahay sumcad wanaagsan kumanaan ciyaartoy.
4. Ka waran haddii dalabkaygu iiga daaho waqtigii loogu talagalay?
Mararka qaar, cillado farsamo oo dhanka server-ka ah awgeed, dalabku wuxuu qaadan karaa waqti yar oo dheeri ah. Haddii aad isku aragto dib u dhac ka badan 10 daqiiqo, fadlan la xiriir kooxdayada taageerada (WhatsApp ama Telegram) isla markiibana waa laguu xalinayaa.
5. Ma soo celin karaa lacagtayda (Refund) haddii aan ka laabto dalabka?
Haddii UC-da ama Coins-ka si guul leh loogu shubay akoonkaaga, dib looma soo celin karo lacagta. Haddiise dalabku uusan weli fushin, waad nala soo xiriiri kartaa si aan u joojino oo aan lacagtaadii kuugu soo celino.